DHAGEYSO:Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo tababar u furay guddiga doorashada

0
422

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa Maanta tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka Qaranka.
Waxaa uu kula dardaarmay inay si daahfuran oo cadaalad ah u maamulaan howsha doorashooyinka qaranka ee loo igmaday.
Guddiyada Doorshooyinka Heer Maamul Goboleed iyo heer Federaalka ayaana Maanta si Rasmi ah ugu bilowday tababarada la xiriira arimaha Doorashooyinkooda.
Go’aamadii shalay ka soo baxay Shirkii Golaha Wada Tashiga Qaran ee Doorashooyinka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho lagu soo Gabagabeeyay ayaa Waxaa ka mid ahaa in 30 Bisha Juun oo Maanta ku Beegan ilaa 5 Bisha luulyo la qabto Tababarka iyo Doorashada Gudoonka Gudiyada Doorashooyinka Qaranka.
Gudiyada Doorashooyinka marka ay dhamaystaan Tababaradooda ayaa waxaa si toos ah loo guda galayaa Howlaha Doorashooyinka Qaranka.
Shacabka ku Nool Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa dhankooda ka hadleen Jadwalka Doorashada Qaranka ee shalay la soo saaray kaasoo lagu soo gabagabaynayo muddo Saddex Bilood iyo 10 Cisho ah sida ay Madaxdu ku sheegeen War-Murtiyeedkii ay shirkooda ka soo saareen.