Shaqaalaha dowladda Soomaaliya oo la fasaxay

0
428

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa guud ahaan shaqaaale weynaha Soomaaliyeed iyo Bulshada Soomaaliyeed waxay ugu hambalyeeysay toddobaadka xorriyada oo weli lagu guda jiro.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Agaaaimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in la fasaxay dhammaan Shaqaalaha hay’adaha Dawladda iyo kuwa gaarka ah Maalinta Khamiista oo ay Taariikhdu ku beegan 1-da Luulyo oo ah Maalintii Madaxbanaanida Gobolada Koonfureed iyo Midowgii labada Gobo lee Waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya.
Wasaarada Shaqada iyo Arimaha bulshada Soomaaliya ayaa sheegtay inay Tallaabadaan Tahay mid loogu dabaal degay munaasabadda 1-da luulyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka shaqeeyana la doonayo inay Munaasabadaha Sanadk guurada 61-aad ee Xornimada iyo Midowga ay si weyn uga Qayb qaataan.