Hogaamiyaha xamas oo booqasho kutagay wadanka lubnaan

0
547

Hogaamiyaasha ugu sareeya ururada xisbullah iyo Xamaas ayaa wada hadahadalo ku yeelanaya casimadda wadanka Lubnaan ee Beirut.
Labada dhinac ayaa kulankooda uga hadlaya weeraradi ay israil bishi hore kagaysatay magalada Gaza.
Ismail Haniyeh, hogaamiyaha ururka ree falastiin ee Xamaas iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkiisa ayaa Axadi lagu soo dhaweeyay dalka lubnaan waxay halkaasi kula kulmeen hogamiyaal ay kamid yihiin madaxwaynaha lubnaan Michel Aoun, iyo gudoomiyaha barlamaanka dalkaasi.
Mr.Haniyeh ayaa dhanka kale kulan gaar ah la qaatay hogaamiyaha Xisbullah Hassan Nasrallah oo ay ka wada hadleen siddi khibrad looga baran lahaa iska horimaadyuadi u dnbeeyay ee dhex mara Israil iyo Xamaas.
Duqaymihi ugu danbeeyay ee israil ku qaado marinka Qaza ayaa lagu dilay dad gaaraya 256 qof oo u dhashay falastiin kuwaas oo 66 ka mid ay ahayeeen caruur.
Halka israil weraradaasi ay ku wayday dad 13 qof.
Sida ay ku warantay Wakalada wararka turkiga ee Anadolu, oo soo xiganaysay qoraal uu soo saaaray uruka Xisbullah waxay sheegatay in labada dhinac wada hadaladooda ay kamid yihiin sidi kor loogu qaadi lahaa xiriirka ka dhexeeya Xisbullah iyo Xamaas.
Hogaamiya Xamaas waxaa uu ka dhawaajiyay in magalada Qudus ay tahay mid ay leeyihiin dadka ree falastiin isla markaana ay istiraatiiji u tahay dhaqdhaqaaqa xoreynta.