Xaruntii hore ee Ciidamada Cirka Soomaaliya Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaaa Maalinkii labaad oo xiriir ah ka socda Shirka Golaha wadatashiga doorashooyinka Soomaaliya, kaasoo uu Guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Shirka ayaa waxaa Maanta hortegay oo warbixin lagaga dhageystay Kooxda la taliyeyaasha Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranka,oo soo bandhigay qorshayaashooda la xiriira Arrimaha doorashooyinka qaranka iyo Hagitaankooda sida loo wajahayo.
Sidoo kale Madaxda Golaha wadatashiga Qaranka ayaa ka doodaya in dib u eegis lagu sameeyo waxyaabaha caqabada u keeni kara doorashada Soomaaliya ee ku jira heshiiskii doorashada ee la gaaray 27-kii Bishii May qorshahaas oo ay soo bandhigeen qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Shirka Golaha wadatashiga doorashooyinka ayaa waxaa la filayaa inay madaxda heshiis ku gaaraan, isla markaana geba-gabadiisa ay kasoo saaraan War-murtiyeed ku saabsan dardar gelinta arrimaha doorashada Soomaaliya.