Bandaw lagu soo rogay magaldda Beni ee Jamhuuriyada DRC

0
451

Jamuuriyadda dimoqraadiga Congo, ayaa bandaw ku soo rogtay
magaalada Beni oo ku taala bariga wadankaas kadib markii bambaanooyin lagu weeraray saldhigyo ciidan oo ku yaala gobalkaasi iyo gooba kale oo ay ku sugnayeen dad rayid ah.
dawlada dalkaasi ayaa ciidamo tira badan u daad guraysay gobalkaasi si ay ula tacalaan weeraradda ay so qadaan kooxaha hubaysan ee ka soo horjeedDa dawladda.
Laba kamid ah Weeraradan ayaa lagu kala beegsaday Kiniisad iyo kalin shidaal oo ku yaalay magaladda Beni ee waqooyiga gobalka Kivu.
Sarakiisha amniga dalkaasi waxay shegeen in ay heleen xoga kale oo dheraad ah kuwaas oo tilmaamaya in ay dhici karaan weeraro kale.
Mayarka magaladda Beni Narcisse Muteba, waxaa uu ka codsaday dadka gobalkiisa in aysan u soo bixin banaanka isla markaana ay ku sugnadaan guryhooda iyaga oo u hogaan samaya amarada dawladda waxaana uu si wayn ugaga digay shacabka magalada Beni dhagarta kooxda ADF.