Dawladda wadanka Belarus, ayaa wada tashi ugu yeeratay wakiilkeedi midowga yurub ee fadhigiisu ahaa magalada Brussels, ee xarunta midowga yurub.
Sidoo kale safiirki midowga yurub u fadhiyay magaladda Minsk, ee casimadda dalka Belarus, ayaa lagu amray in uu wada tashi ugu laabto magalada Brussels.
Xisadda u dhaxaysa dhincyadan ayaa cirka isku shareertay kadib marki rakaab diyaaradeed oo uu ka mid ahaa dadka saaran wariye u dhashay Belarus oo si aada u dhaliili jiray xukumadda wadankiisa, marki laga war helay in uu saran yahay diyarada lagu amray in si qasab ah ku soo caga dhigato magaladda minsk.
Madaxwaynaha Belarus Alexander Lukashenko, ayaa la sheegay in uu amar ku bixiyay in diyaradda ay qasab ku dagto iyada oo marki ay soo dagtayna xabsiga loo taxaabay wariyihi.
talabadaasi waxaa si aada uga carooday qaar badan oo ka mid ah wadamada midowga yurub.
Todobaadki hore ayay ahayd marki midowga yurub uu cuna qabatayn dhaqaale ku soo rogay dalka Belarus taas oo jawaab celin u ahayd talabadi ay qaaday Belarus .
Wasiirka arimaha dibadda Belarus oo warfidiyeenada la hadlayay waxaa waxaa uu sheegay talaabadani in ay jawab u tahay go’aanki midowga yurub ee cuna qabataynta lagu saaray Belarus.