Militariga dalka Ciraaq ayaa si kulul u cambaareeyay weerar dhanka cirka ah oo ay ciidamada Maraykanka ka fuliyeen xadka dalkaasi uu la wadaago Syria.
Afhayeenka militariga Ciraaq Yehia Rasool ayaa duullaanka ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah madax bannaanida wadankaasi.
Cambaareynta ayaa lagu sheegay mid nadir ah.
Yehia Rasool ayaa sheegay in weerarka Maraykanka lagu dilay ugu yaraan 4 ka mid ah dagaalyahaanada la rumeysan yahay in ay gacan saar la leeyihiin Iiraan.