Shirka golaha wadatashiga qaran oo Muqdisho ka furmaya

0
467

Waxaa Maanta la filayaa in magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan Golaha wadatashiga doorashooyinka oo ka kooban Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Shanta Maamul Goboleed & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shalay ayaa qorshuhu ahaa in uu shirkaan furmo balse sababo la xiriira Madaxda Maamulada oo Muqdisho ka maqnaa uu u baaqday, hayeeshee waxaa haatan ku sugan Magaalada Muqdisho Madaxweynayaasha maamulada, Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland & Puntland halka uu maqan yahay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle.
Shirka oo uu guddoomin doono Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka, howlihii ka qabsoomay tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo caqabadaha la gudboon heshiiskii doorasho Soomaaliya.
Warar kal hore soo baxayay ayaa sheegayay in Madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood ay doonayaan in dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii doorasho, iyagoo doonaya in Goobaha doorashoyinka lagu qabanayo noqdaan Maamul kasta hal Goob, si uu u yaraado culeys farabadan oo ay ka cabsi qabaan inay maaraynta Doorashada kala Kulmaan.