Wasiirkii caafimaadka ee boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay inuu is casilay ka dib marki lagu cambareeyay in uu jabiyay talabooyinka lagu xakameynayo cudurka Covid-19 ee dalkaasi.
Mr Matt Hancock ayaa dhunkaday isla mar ahaantaana isku duubay kalkaaliso ka howl galeysay xafiiskiisa taas oo ay si aad uga caroodaeen dadwaynaha wadankaasi.
Waxaa goor sii horraysay inta uusan is casilan, raali gelin ka bixiyay talaabada uu qaaday.