Xaaladaha cudurka COVID 19 ee dalka Indonesia ayaa isbuuci la soo dhaafay sare u kacay.
Waxaa hal toddobaad guudihiisa laga xaqijiiyaay In ka badan 2.05 milyan oo xaaladood.
Isbitaallada ku yaalla caasimadda Jakarta ee dalka Indonesia iyo meelaha u dhaw ee uu cudurku sameeyaay ayaa 75 boqolkiiba daganaan la’aan laga darermaya.
Dalka Indonesia ayaa sido kale la tacaalaya nooca cusub ee cudurka ee markii ugu horreysay laga diwaangeliyay dalka Hindiya.
Waxaa isbitallada caasimada Jakarta laga sameeyay teendooyin sabaab la xariirta kororka xaaladaha cudurka sida laga soo xigtay shabakadda wararka ee Detik.
Madaxweynaha dalkaasi Joko Widodo ayaa sheegay in dalkiisa uu wajahayo xalad adag taas oo ay ooga jawaabi doonaan si degdeg ah.
Ku dhowaad 1,000 saraakiisha shaqaalaha dareyeelka caafimaadka ee Indonesia ayaa sidoo kale u dhintay fayraska tan iyo markii u bilowday.
Dhanka kale ururka caafimaadka ee Indonesia ayaa xaqiijiyay in 401 dhakhaatiir uu cudurku haleelaay kuwaas oo 14 ka mid ah xaaladoodu ay liidato.
Indonesia ayaa ah dal ay ku nool yihiin 270 milyan oo qof.