Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Hoggaamiyaasha Maamullada Soomaaliya oo arrimaha doorashada ka shiray

DHAGEYSO:Hoggaamiyaasha Maamullada Soomaaliya oo arrimaha doorashada ka shiray

Madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee Soomaaliya ayaa xalay yeeshay kulan dhanka taleefoonka ka dib dadaallo socday maalmihii la soo dhaafay oo beesha Caalamka ay qayb ka ahayd kuwaas oo la doonayay in xal looga gaaro khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle iyadoo diiradda lagu saaray sidii dalka Soomaaliya ay uga dhici lahayd doorasho lagu wada qanacsan yahay.
Kulanka Qodobada looga hadlay waxaa ka mid ah Xaaladda Gobolka Gedo iyo muranka ka taagan Guddiga doorashooyinka ee lagu muransan yahay.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in Madaxda ay ku heshiiyeen in la xalliyo khilaafka ka taagan doorashada waxaana ay ku balameen kulan deg deg ah.
Dhanka kale Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo Kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxay Kulankooda ugu hadleen arrimaha doorashada ee Khilaafku hareeyay iyo sida ugu haboon ee Xal kama dambays ah looga gaari karo.
Guddoomiyaha ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo koobaya qodobada ay kulankooda ka soo saareen iyo baaqa ay dhinacyada isku Khilaafsan doorashada Soomaaliya u dirayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments