DHAGEYSO:MD Farmaajo oo siyaasiyiinta soomaalida ku tilmaamay daneystayaal baaqna u diray dhallinyarada

0
634

Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana muddo xileedkiisa ku ekaa 8-dii bishii Labaad ee sanadkan Maxamad Cabdullahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay munaasabadda 26-ka June ayaa sheegay in dhallinyaro midnimo doon ah uu imaadeen, kuwaas oo uu sheegay in siyaasiyiinta Soomaalida yihiin kuwo daneystayaal ah, isla markaana aan ka shaqeyn danta dadka Soomaaliyeed.
MD Farmaajo ayaa ugu baaqay dhallinyarada inay istaagaan sidii dhalinyaradii SYL oo kale oo aysan waxba ka sugin siyaasiyiin dano gaar ah leh mararka qaarna xoog ay isticmaalaan sida uu hadalka u dhigay.
Mr Farmaajo ayaa afartii sano ee la soo dhaafay uu dhowr jeer fagaarayaal eedeyn kala duwna ugu jeediyay siyaasiyiinta ka aragti duwan sida uu ku maamulayo dalka Soomaaliya.