DHAGEYSO:Munaasabadda 26-ka Juun oo lagu qabtay Muqdisho iyo Hargeysa

0
392

Magaalada Hargeysa ee caasimadda jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhaawaqday ee Soomaliland ayaa xalay lagu qabtay munaasabadda 26-ka June.
Waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin uu kamid yahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
26-kii Juun ee 1960-kii ayay Soomaaliland ay xuriyadeedi ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska.
Hargeysa ayaa noqotay meeshi ugu horreysay ee laga taagay calan ay Soomali leedahay.
Xus aad u ballaaran ayaa xalay lagu qabtay qasriga madaxtooyada Soomaaliland oo amuurtan looga hadlayay.
Madaxweynaha Soomaaliland ayaa ka hadlay wixii u qabsoomay gobollada Waqooyi 30-kii sano ee ugu dambeeyay.

Madaxweyne Muuse biixi ayaa sidoo kale ka hadlay Soomaaliland inta ay dhismetysay iyo wixi Soomaaliya u qabsoomay.

Waxaa uu intaa ku daray in Soomaaliland aysan cadaawad la ahayn Soomaaliya.

Waxaa uu gar darro aan geedo loogu gabban ku tilmaamay in Muqdisho laga xuso 26-ka Juun.

Dhanka kale magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay munaasabado loogu dabaaldagayay 61-guuradii kasoo wareegtay markii gobollada Waqooyi ay ka xaroobeen gumeystihii Ingiriiska oo ku beegneyd 26-kii june ee sanadkii 1960-kii.
Madaxweynaha muddo xileedkisa uu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabadda zuska 26-ka June oo lagu qabtay madaxtooyada ayaa ugu hambalyeeyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed sannadguurada 61-aad ee ka soo wareegtay maalintii xorriyadda gobollada Waqooyi.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in rajada midnimada ay haatan ugu sarrayso.
Waxaana hadalladiisi ka mid ahaa