Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray fariisimaha ciidamada xoogga Soomaaliya ee duleedka Dhuusamareeb

0
455

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kormeer ku tagay xerada Taliska Qaybta 21-aad ee magaalada Dhuusamareeb iyo fariisimaha kale ee ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin duleedka Caasimadda Galmudug, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen saraakiisha ciidamada qalabka sida.
Madaxweynaha Qoorqoor oo warbixinno ka dhageystay saraakiisha ciidanka ayaa bogaadiyay howlgallada ciidamada xoogga dalka ay dhawaan ka fuliyeen deegaannada Galmudug, kuna booriyay inay sii laba jibaaraan, gaar ahaan xiligaan xasaasiga ah ee loo diyaar garoobayo doorashada dalka, si guud ahaan deegaannada Galmudug looga saari lahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.