Waxaa maanta lagu wadaa in caasimadda Soomaaliya ay soo gaaran qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada wadankaasi.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jimce ah ku wajahan magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Deni, wuxu Muqdisho kaga qayb-gelaya shir ku saabsan dardar gelinta arrimaha doorashada Soomaaliya, kaas oo dhexmaraya madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.
Waxaa sidoo kale maanta Muqdisho soo gaaray qaar ka mid ah hoggaamiyaasha maamulada kale ee dalka sida madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Shirka waxa ka qayb-galaya Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, madaxda shanta dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Waxaa uu qorshuhu yahay in malinka Sabtida uu ka furmo shirka magaalada Muqdisho.