SAWIRO:Burnley oo soo gabagabeysay rikoorkii guuldarro la’aanta 68 kulan Reds ee garoonkeeda

0
1472

Saddex sanadood iyo sagaal bilood ka dib Liverpool ayaa lagu garaacay garoonkeeda Anfield kulan horyaalka Premier League ah iyadoo ay guuldarro 1-0 ka soo gaartay kooxda Burnley, waxaana la jabiyay rikoodhkoodii guuldarro la’aanta ee minankooda.
Burnley ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Liverpool oo ay ku booqatay garoonkeeda Anfield, kaddib markii ay kaga oo adkaatay hal gool iyo ebar xilli ciyaartan ay qayb ka aheyd kulamada horyaalka Premier League.
Qaybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ay isku mari waayeen labada kooxood.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 83-aad kooxda kubadda cagta Burnley ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Ashley Barnes, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 0-1 ay ku hoggaamineysay Burnley.
Ugu dambeyntii dheesha ayaa ku soo dhamaatay 0-1 oo ay Burnley kaga soo adkaatay kooxda Liverpool oo ay ku booqatay garoonka Anfield, Burnley ayaana soo gabagabeysay rikoorkii guuldarro la’aanta 68 kulan Reds ee garoonkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here