Gudiyada Doorashooyinka Soomaaliya oo lagu wado in Maanta la Xareeyo

0
305

Maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa uu qorshu yahay in dowladda Federaalka soomaaliya ay xareyso guddiga doorashooyinka heer federaaal, heer Maamul goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka.
Guddigan ayaa ka kala socda maamul goboleedyada shanta ah ee dalka Soomaaliya ka jira iyo dowlada Federaalka, waxaana maanta u furmaya tababar socon doono muddo afar maalmood, kaasoo ku eg 27 bishan Juun.
Guddigan ayaa shaqadooda ay tahay diyaarinta soo xulista odayaasha soo dooran doono xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya iyo xalinta Khilaafkii soo kordha inta lagu guda jiro howsha loo xilsaaray ee arimaha Doorashooyinka Soomaaliya.
Xaraynta Gudigaan ayaa waxay ku soo aadaysaa ayadoo Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu shir ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasoo ka dhici doono magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Maalmaha nagu soo aadan.
Shirkaan ayaa waxaa la isaga Xog wareysan doonaa howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo Markii heshiiska laga Gaaray 27-kii May ee Sanadkaan iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan ee doorashooyinka Qaranka la Xiriira.
Qorshaha shirka ayaa ah inuu dhaco maalinta sabtiga ee Soo aadan, iyadoona shirka lagu falanqeyn doono sida ugu wanaagsan ee ay ku dhici karaan doorashooyinka qaran oo khilaaf Jiray bilooyinkii la soo dhaafay uu Dib u dhac ku sababay.