Bangiga aduunka oo Taageero Siinaya Soomaaliya

0
316

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Dowlada Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar, (Cabdullahi Carab) iyo Madaxa Waxbarshadda Bariga iyo Koofurta Afrika ee Bankiga aduunka Muna Salih Meky ayaa Aaladda Fogaan Aragga (Zoom meeting) kaga wada hadlay sidii ay iskaga kaashaan lahaayeen hurumarinta Waxbarshada Soomaaliya.
Labadaan Masuul ayaa kawada hadlay mashaariic ay iska kaashanayaan labada dhinac, uuna maalin gelinayo Bangiga Adduunka, ayagoo isku afgartay in la bilaabo mashaariic cusub oo hadda diyaar ah.
Wasiirka wasaarda Waxbarashada Soomaaliya aayaa balanqaaday ka miro dhalinta Mashaariicda ay kawada shaqeeyaan Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Somaaliya ee Arrimaha Waxbarashada.
Shirkan ayaa kusoo dhamaaday is afgarat dhaman qodobadii laga wada hadlay iyo sii xoojinta wada shaqeynta Ka dhaxeysa Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta Saree e Dowlada Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka..