Madaxweyne ku-xigeenka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Daba-geed ayaa Magacaabay Guddi heer Wasiir ah oo soo dhaweynaya wufuud Caalami ah oo ku wajahan deegaanada Maamulka Hirshabeelle.
Wareegto uu soo saaray Yuusuf Daba-geed ayaa lagu magacaabay Guddigaan oo ka kooban 12-xubnood, kuwaas oo soo dhaweynaya, ugana warbixinaya mashaariicda ka socota Hirshabeelle gaar ahaan Gobolka Hiiraan wafdiga ka socda Dalalka Talyaaniga iyo Sweden ee Beledweyne ku Wajahan.
Sidoo kale Guddigaan ayaa wafdiga ay hoggaaminayaan Safiirada Dalalka Talyaaniga iyo Sweden ee Soomaaliya uga Warbixinaya baahiyaha horumarineed ee dhanka bulshada ka jira deegaanada Maamulka Hirshabeelle oo sanadkasta ay Saamayn weyn ka soo gaadho fatahaadaha Wabiga shabeelle eek u soo lalabta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.
Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa kusii jeeda wafdi ka socda Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta oo ay kamid yihiin Safiirada Dalalka Talyaaniga iyo Sweden, kuwaasi oo saacadaha soo socda halkaas tegi doona.