DHAGEYSO:Xisbiga mucaaradka Soomaaliland ee UCID oo xoghayihiisii eryay

0
409

Xisbiga Mucaaradka Soomaaliland ee UCID ayaa Maanta wuxuu ku dhawaaqay inuu Xilkii ka qaaday sidoo kalena Xubinimadii Xisbiga ka Saaray Xoghayihii hore ee arimaha Gudaha Xisbigaas Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ka dib markuu ka soo hor-jeestay isbahaysiga ay Xisbiyada Mucaaradku ku doonayaan inay la Wareegaan Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Soomaaliland.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Xibsiga Mucaaradka Soomaaliland ee UCID OO Shir Jaraa’id Maanta ku qabtay Magaalada Hargaysa ayaa waxay ku dhawaaqeen Go’aanka Mas’uulkaas looga Saaray Xisbiga UCID.

Dhanka kale Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo sheegay in 23 dacwadood, oo la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd, ee golaha Wakiillada ay mudaysay Maxkamadda Sare dhagaysiga dacwadahooda, ayaa fadhigii koowaad maanta la guddo-galay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa ka warbixiyay ansixintii natiijada doorashada golayaasha deegaanka Soomaaliland oo shalay soo dhamaaday, taasoo labadii todobaad ee u danbeeyay ay ansixinayeen maxkamadaha gobolada Soomaaliland, maadaama ay iyagu awood u leeyihiin ansaxinta iyo ka garnaqida dacwadaha ka yimaada golayaasha deegaanka sida uu dhigayo qodobka 153-aad farqada 2aad ee xeer Soomaaliland.
Maxkamda Sare ee Soomaaliland ayaa ugu danbayntii sheegtay inay todobaadka soo socda gudagali doonta Dacwadaha u soo gudbay ee ku aadan doorashadadii goleyashaa deegaanka ee Soomaaliland.