Hal askari oo xalay lagu dilay Mandera

0
644

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Mandera ayaa sheegaya in xalay abaare saqdii dhexe ay dablay hubaysan oo aan weli haybtoodu la garan weerartay ciidanka kaydka ee loo yaqaano KPR-ta.
Ciidamada ayaa xilligaasi ku sugnaa tuulada koromeey oo koonfur galbeed kaga beegan magaalada Mandera masaafo dhan ilaa 8 kiiloomitir.
Waxaa weerarka ku dhintay hal askari halka laba kalana ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo hadda lagu daawaynayo Isbitaalka weyn ee magaalada Mandera.
Weerarkaasi waxaa lagu gubay cagafcagaf lagu qodayay warta Baanyoolay ee duleedka tuulada Koromeey.