Guddigii loo Xil saaray baaritaanka dilkii deegaan Duleedka ka ah Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Loogu geystay AUN Sheekh Cali Axmed Faarax oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee gobolka ayaa soo bandhigay natiijada baaristooda.
11 Bishii 5 ee May ayaa tuulada Xero-Jaale ee duleedka Magalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka waxaa lagu Dilay Sheekh Cali Axmed Faarax oo ( Sheekh Cali Dheere) loo yaqaanay ahaana Maamulaha Guud ee jamciyadda Imaam Nawawi ee gobolka Mudug.
Xeerilaaliye Ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa sheegay in guddi Saraakiil baarayaal ah oo ka socda Xeer ilaalinta maxkamadda & waaxda CID-da loo diray deegaanka uu dilka ka dhacay , isla markaana cadeymaha dilka ay ka qoreen dad markhaatiyaal ah oo goobta uu falku ka dhacay ku sugnaa.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in baaritaan kadib dilka Marxuum Sheekh Cali Axmed Faarax ( Sheekh Cali Dheere) uu ku cadaaday inuu ka dambeeyay Dable Cabdixakiin Cabdisalaan Aadan oo ka tirsan Saldhiga Ciidanka Booliska Magaalada Gaalkacyo.
Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa sheegay inay Jiraan shaqsiyaad kale oo ku garabsiiyay dilkaas kuwaaso oo Maxkamada Ciidamada Qalbka sida ku cadaysay sidoo kalena ay ogaadeen in Saraakiisha Ciidamada ay Masuuliyadoodii ka Gaabiyeen ayna Maxkamda Ciidamada Qalbka Sida kula Xisaabtamayso eedaas.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Maxkamadda ciidamada oo shaacisay magaca qofkii ka dambeeyay dilkii Sheekh Cali Dheere