DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay heshiiska ganacsiga Soomaaliya iyo Itoobiya

0
356

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey in awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo heer gobol ah oo loo iib geeyo wax soosaarka Wadanka ay kor u qaadeyso dhaqaalaha Soomaaliya, fursadaha shaqaaleysiinta dhallinyarada iyo heer nololeedka shacabka.
Madaxweynaha oo warbixin ka dhageystay Wasiirka Wasaarada, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdullahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Durraan Axmad Faarax ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in ganacsiga kala dhexeeya dalka Soomaaliya dalalka dariska lagu Saleeyo isu dheellitirnaan iyo wax wada qabsi , iyadoo Ganacsatada Soomaaliyeed ay helayaan dheef-dhaqaale oo u dhiganta tan dhiggooda badeecadaha keensada dalka Soomaaliya.
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Soomaaliya Cabdullahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Durraan Axmed Faarax ayaa sheegay in fursadaha iskaashiga ganacsi ee dalalka dariska ah ay barbar socdaan dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, isu dheellitirka ganacsiga ay la wadaagaan dalalka dariska ah iyo xoojinta wax-soosaarka, taasoo suurta gelinaysa in dalagyada iyo wax-soosaarka dalka Soomaaliya ay ka muuqdaan suuqyada dalalka Gobolka.
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Soomaaliya Cabdullahi Bidhaan Warsame ayaa ka warbixiyay kulanka ay madaxweynaha Jamhuuriyada la qaateen.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa bogaadiyey suuqa ganacsi ee u soo kordhay kalluumaysatada Soomaaliyeed, wuxuuna xaqiijiyey in la joogo waqtigii ay Soomaaliya kula tartami lahayd dalalka gobolka wax soosaarka gudaha.