Baxrayn oo fashilisay weerar diyaaradeed oo aan duuliye lahayn, Iiraan oo sheegatay inay bartilmaameedsatay raadaarka milatariga Mareykanka

0
79

Dowladda Baxrayn ayaa sheegtay inay fashilisay weerar loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn ee drones-ka, kaddib markii Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ay ku dhawaaqeen inay weerar ku qaadeen xarun raadaar oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka, taas oo ku taalla saldhigga ciidamada cirka ee Isa ee Baxrayn.
Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa Talaadadii sheegtay inay fulisay weerar diyaaradeed oo lagu bartilmaameedsaday nidaamka raadaarka Mareykanka ee ku yaalla saldhigga Isa.
Bayaan ay baahisay warbaahinta dowladda Iiraan ee IRIB, ayaa lagu sheegay in weerarku qayb ka yahay dadaallada lagula tacaalayo waxa ay ku tilmaameen dhaqdhaqaaqyada colaadeed ee ciidamada Mareykanka ee gobolka.
Taliska Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in weerarkan uu jawaab u yahay waxa ay ku eedeeyeen in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku ay marar badan ku xadgudbeen hawada Iiraan.
Dhanka kale, telefishinka dowladda Baxrayn ayaa sheegay in weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn la fashiliyay, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin khasaaraha ka dhashay ama in waxyeello soo gaartay xarunta raadaarka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxrayn ayaa sidoo kale soo saartay digniin amni, iyadoo shacabka iyo dadka kale ee dalkaasi ku nool ugu baaqday inay isdejiyaan, aadaan goobaha amniga ah, isla markaana la socdaan wararka rasmiga ah.
Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee Iiraan ay sheegato inay ku bartilmaameedsatay xarumaha raadaarka ee ciidamada Mareykanka ee ku yaalla gobolka Khaliijka, maalmo gudahood.
Maalintii Axadda, Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegtay inay lix diyaaradood oo aan duuliye lahayn ku weerartay nidaam raadaar oo Mareykanku leeyahay, kaas oo ku yaalla saldhigga diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Al-Rifaa ee Baxrayn.
Hase yeeshee, ciidamada difaaca cirka ee Baxrayn ayaa sheegay inay fashiliyeen dhowr weerar oo xagga cirka ah oo Iiraan ay ku soo qaaday dalkaasi.