Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmaeil Baghaei, ayaa si adag u dhaliilay siyaasadda Mareykanka, isaga oo la barbar dhigay tii Adolf Hitler iyo kooxda Daacish, kana digay inay wiiqayso nidaamka caalamiga ah.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa toddobaadkii hore ka digay in “sharciyo loo daliishado rag seef wata”, isaga oo tixraacayay oraah la sheegay inuu yiri jeneraal Roomaan ah, taasoo uu u adeegsaday dhaleeceynta Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC).
Baghaei ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid walaac weyn abuuraya, isaga oo sheegay inuu muujinayo siyaasadda Mareykanka ee ku dhisan awood sheegashada iyo tallaabooyinka hal dhinac ah.
“Maanta, iyadoo dagaalka ka dhanka ah Iran lagu marmarsiyoonayo sheegashooyin la xiriira akhlaaqda iyo amniga qaranka, isla markaana dowladda awoodda leh ee sheegashooyinkaas adeegsanaysa ay iska fogaynayso isla-xisaabtanka, beesha caalamku waa inaysan u qaadan inay ka badbaadi karto cawaaqibka ka dhalan kara,” ayuu Baghaei ku qoray bartiisa X.
Wuxuu intaas ku daray: “Nidaamka caalamiga ah wuxuu bilaabaa inuu burburo marka dalalka awoodda leh ay naftooda u oggolaadaan xuquuq ay diidaan in dalalka kale ay yeeshaan.”




