Militariga Yemen oo sheegay inuu 661 weerar ku qaaday Xuutiyiinta xilli ay ku sii siqayaan magaalada Cadan

0
63

Militariga Yemen ayaa sheegay inuu 661 weerar ku qaaday fariisimaha kooxda Xuutiyiinta ee jiiddooyin kala duwan, kuwaas oo lagu dilay ama lagu dhaawacay 173 dagaalyahan, xilli ciidamada dowladda ay sii wadaan howlgalladooda milatari, iyadoo Xuutiyiintu ay dhul cusub ka qabsanayaan koonfur-galbeedka dalka.
Afhayeenka militariga, Kornayl Majed al-Nuzaili, ayaa Isniintii sheegay in howlgalladan, oo qeyb ka ah duullaanka socda ee loogu magac daray “Waaberiga Yemen”, ay isugu jireen 15 duqeyn cirka ah, 526 duqeyn madaafiic ah, 53 weerar oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday iyo 67 weerar oo gantaallo ah.
Qoraal uu ku baahiyay barta X ayuu al-Nuzaili ku sheegay in weerarradaasi ay burburiyeen ama waxyeello gaarsiiyeen 71 gaari iyo qalab milatari, xarumo laga hago howlgalada, goobo indha-indheyn iyo dhufeysyo ciidan.
Wuxuu sheegay in ciidamada dowladda, oo taageero ka helaya kooxaha iska-caabbinta shacabka, ay sii wadaan ka hortagga dhaq-dhaqaaqyada Xuutiyiinta ee gobollada Taiz, Marib iyo al-Jawf, iyadoo sidoo kale howlgallo milatari ay ka socdaan jiiddooyinka koonfureed.
Militariga Yemen ayaa sheegay inuu sii wadi doono duullaanka ilaa laga gaarayo ujeeddooyinka loo qorsheeyay, isaga oo xusay in taxaddar gaar ah laga qaadayo ilaalinta shacabka iyo kaabayaasha rayidka.
Howlgalladan ugu dambeeyay ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda laga saaray dhowr goobood oo istaraatiiji ah oo ku dhow marinka Bab al-Mandab, taasoo ku khasabtay inay dib isu abaabulaan si ay u difaacaan magaalada Cadan, oo ah caasimadda ku-meelgaarka ah ee dowladda Yemen ee beesha caalamku aqoonsan tahay.
Arrintaasi ayaa ciidamada dowladda ku khasabtay inay isaga baxaan dhowr fariisin oo ay ku sugnaayeen, iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo in Xuutiyiintu weerar ku qaadaan magaalada Cadan.