Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa shaaca ka qaaday in sanadkii 2025-kii ay ugu yaraan 5,009 ruux ku nafwaayeen shilal ka dhacay gudaha waddanka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Kenya iyo si guud dunida maanta laga xusayey nolosha dadkii ku dhintay shilalka waddooyinka waxayna hoggaamiyeyaasha ku baaqeen in isbeddel lagu sameeyo habdhaqanka isticmaalka waddada iyo mas’uuliyad wadareed lagu xakameynaya shilalka sii kordhaya.
Munaasabaddan ayaa ka qabsoontay fagaaraha Jaramogi Oginga Odinga Grounds ee ismaamulka Kisumu.
Agaasimaha guud ee maamulka NTSA Injineer Nashon Kondiwa ayaa hoosta ka xarriiqay in sanadkii hore la diiwaangeliyay shilal gaaraya 11,638 oo ay 19,896 qof oo kale si xun ugu dhaawacmeen.
Boqolkiiba 73 ee dhibbanayaasha shilalkan ayaa ahaa dadka waddooyinka gudba ama hareerahooda socda, rakaab iyo wadeyaasha mootooyinka.
Agaasimaha ayaa tilmaamay in shilalka ay sii kordhaan xilli fasaxeedka bisha 12-aad ee Diseembar wuxuuna ku baaqay in si wayn loogu hoggaansamo xeerarka taraafikada.
Sidoo kale Pius Muchai oo xubin ka ah guddiga waaxda dowladda u qaabilsan arrimaha gaadiidka ayaa soo jeediyey in qof kasta oo waddada isticmaalaya uu mas’uuliyad shakhsiyeed muujiyo.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in fulinta xeerarka keliya aan lagu soo afjari karin shilalka ka dhaca Kenya.
Muchai ayaa ku taliyey in laga fogaado baabuurta oo si xowli ah loo kaxeeyo, adeegsiga maandooriyaha wuxuuna caddeeyay in nolol kasta ay muhiim tahay oo aan loo baahnayn in la lumiyo.




