Iyada oo xalay Saqdii dhexe lagu dilay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Aadan-Cadde ee degmada Howl-wadaag Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdi Karim Dhagajuun ayaa waxaa la sheegay in Saraakiil iyo askar ka tirsan booliska Soomaaliya loo xiray dilkaasi.
Wararku Waxay sheegayaan in la xiray Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Waaberi Gaashaanle Maxamed C/qaadir Mooshin Taliyaha Booliska Howl-wadaag Gaashaanle Shucayb Cabdi Maxamuud iyo 7 Askari oo kale, kuwaasoo haatan su’aalo lagu weeydiinayo Xarunta Hay’adda Dambi barista Soomaaliya ee CID-da.
Labada Sarkaal ayaa la sheegay in sababta loo xiray ay tahay inay xalay ku sugnaayeen Goobta dilka uu ka dhacay, isla markaana ay ku qornaayeen heeganka iyo howlgallo xilliyada qaar la fuliyo maadaama Taliyeyaasha degmooyinka, Hodan Howl-wadaag iyo Waaberi ay ka wada tirsan yihiin taliska qeybta Waliyow Cadde ee Ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Macadda weli sababaha dhabta ah ee ka danbeeyay dilka Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdi Karim Dhegajuun oo Xalay la dilay kadib Saacado yar oo uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho kadib markii dalka Turkiga mudo dhaawac qarax ka soo gaarya ugu maqnaa, Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay inuu Gudoomiye Dhagajuun ku dhintay israsaaseyn dhexmartay laba Ciidan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble Ayaa tacsi tiiraanyo leh u daray qoyskii iyo asxaabtii Marxuum Cabdikariin Dhagajuun guddoomiyihii degmada Hodan oo ku geeriyooday fal xalay ka dhacay Muqdisho.
Ra’siulwasaaraha ayaa faray hay’adaha ammaanka ee ku shaqada leh dhacdadaan inay baaritaan rasmi ah oo dhammeys tiran ku sameeyaan falkaas nasiib darrada ahaa ee lagu dilay Gudoomiye dhagajuun.
Horay waxaa qarax ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee VISHA GOVERNO ku dhintay Guddoomiyihii Gobolkan Banaadir ahaana duqii Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Yariisow iyo Guddoomiyeyaashii degmooyinka, Waaberi, Shangaani iyo Cabdi Casiis ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa Guddi u saaray Aaska iyo tacsiyada Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdi Karim Dhegajuun, ee xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho.
Guddiga oo laga soo xulay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaay ka kooban yihiin 7 Xubnood, kwaxayna qaban qaabinayaan Aaska Guddoomiyaha.
Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud “Caana-booro” ayaa gudiga la Magacaabay Gudoomiye u ah.
Waxaaxan Xubno ka ah Mukhtaar Maxamed Cali (Dhaga-Cade),Muuse Cali Eybakar,Saalax Xasan Cumar Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadi,Yaasiin Cismaan Jimcaale,Seynab Maxamuud Xaabsey Gudoomiyaha Degmada Warta Nabada iyo Mustaf Cali Kheyre Gdoomiyaha Degmada Howlwadaag
Guddigaan ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho faray in sida ugu haboon loo maamuuso, Tacsida iyo Aaska Allaha u naxriisto Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun Gudoomiyihii Degmada Hodan.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u aqriyay qoraalka ka soo baxay gudoomiyaha Gobolka Banaadir.