Goobaha codbixinta ayaa laga furay Bosnia iyo Herzegovina, iyadoo shacabka ay dooranayaan hoggaamiyeyaasha cusub ee heer qaran iyo heer gobol, doorasho saameyn ku yeelan karta dadaalka dalka uu ugu jiro inuu xubin ka noqdo Midowga Yurub.
Sabtidii, ku dhawaad 3.4 milyan oo cod-bixiyeyaal ah ayaa dooranaya saddexda xubnood ee Madaxtooyada wadajirka ah ee dalka, xildhibaannada Baarlamaanka Qaranka iyo madaxda hay’adaha labada maamul-goboleed ee dalka: Federaalka Bosnia iyo Herzegovina (FBiH) iyo Republika Srpska, oo ay u badan yihiin dadka Serbiyiinta ah.
Nidaamka adag ee hay’adaha dowladda Bosnia waxaa lagu dhisay heshiis nabadeed oo uu Maraykanku dhexdhexaadiyay sanadkii 1995, kaas oo loogu talagalay in lagu maareeyo kala qaybsanaanta qowmiyadeed ee u dhexeysa Muslimiinta Bosniak, Serbiyiinta Orthodox-ka ah iyo Croatians-ka Katooligga ah, kala qaybsanaantaas oo horseeday dagaalkii 1992 ilaa 1995.
Adi Selman oo ka tirsan kooxda mudaaharaadyada ee Karton Revolucija ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in qaar ka mid ah cod-bixiyeyaasha ay ka niyad jabsan yihiin xisbiyada waaweyn oo marar badan ololahooda ku saleeya hadallo xusuusinaya dagaalkii iyo kala qaybsanaanta bulshada.
Dhanka Federaalka Bosnia iyo Herzegovina, xisbiyada Bosniak-ga ayaa doonaya in la xoojiyo dowladda dhexe. Denis Becirovic, oo ah xubin hadda ka tirsan Madaxtooyada dalka oo matasha Bosniak-ga, ayaa ballanqaaday in dib loo dardargelin doono waddada Bosnia ay ugu biirayso Midowga Yurub iyo NATO.
Midowga Yurub ayaa Bosnia siiyay maqaamka waddan musharrax ah bishii December 2022. Hase yeeshee, wada-hadalladii ku saabsanaa ku biirista Midowga Yurub ee loo qorsheeyay 2024 ayaa dib u dhacay, kadib markii Brussels ay dalbatay in dalka uu meel mariyo sharciyo adag oo ka dhan ah musuqmaasuqa iyo inuu dib-u-habayn ku sameeyo nidaamka garsoorka.




