DHAGEYSO:Wariyaal lagu xiray Dhuusamareeb

0
475


Xalay fiidkii ayaa xabsiga la dhigay laba ka mid ah weriyaasha ka hawl gala magaalada dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Wariyaasha la xiray oo kala ah cabdullaahi warsame rooble iyo maxamed cabdiweli tooxoow ayaa xarigoodu waxaa uu ku soo aadayaa maalin ka dib markii madaxweynaha Galmudug uu gaalkacyo weriyaasha uga diray fariin digniin ah.
Daahir maxamuud cabdi oo ka mid ah weriyaasha ka hawl gala dhuusamareeb kana tirsan idaacadda star fm ayaan ka warsanay xariga labada weriye wuxuuna u warramay Cubeyd Xasan Maxamuud oo ah wakiil wareedka warbaahinta Star ee gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here