DHAGEYSO:Haweenka doonaya xilalka siyaasadeed ee Busia oo walaac ka muujiyay rabshado iyo takoor

0
45

Iyadoo Kenya ay isu diyaarinayso doorashada guud ee sanadka soo socda, haweenka doonaya inay u tartamaan xilal kala duwan oo siyaasadeed oo ka tirsan ismaamulka Busia ayaa walaac ka muujiyay cabsi ay ka qabaan weerarro ay geystaan kooxo rabshado wada iyo sidoo kale takoor ay kala kulmaan ragga ay siyaasadda ku wada jiraan.
Haweenkan ayaa sheegay in rabshadaha siyaasadeed iyo cadaadiska ka dhanka ah haweenka ay caqabad ku noqon karaan ka qaybgalka haweenka ee doorashada iyo hoggaanka dalka.