Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay, halka 27 kalena la la’yahay, kadib markii doon rakaab oo xad-dhaaf ah siday ay ku rogmatay Harada Kariba ee dalka Zimbabwe.
Shilka ayaa dhacay kadib markii doonta ay la kulantay hirar xooggan.
Hay’adda Ilaalinta Rayidka ee Zimbabwe ayaa sheegtay in 77 qof la badbaadiyey, kuwaas oo gaaray jasiirad yar oo ku taalla harada, iyadoo hawlgallada raadinta iyo samatabbixintu ay weli socdaan.
Kooxo quusayaal ah iyo doonyo samatabixin ah ayaa loo diray goobta.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in doontu ay ka badnayd awooddeeda qaadista, oo ahayd 90 qof. Diiwaannada tigitka ayaa muujinaya in ay saarnaayeen 114 qof oo waaweyn iyo shan shaqaale ah, iyadoo ay jiri karto in carruur aan tigid looga baahnayn ay sidoo kale saarnaayeen.
Doontu waxay u kala gooshaysay magaalada Kariba iyo jasiirado iyo goobaha kalluumeysiga ee ku dhow harada. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in baaritaanka shilka iyo raadinta dadka maqan ay sii soconayaan, iyadoo laga cabsi qabo in tirada dhimashadu ay korodho.




