Walaasha Kim Jong Un oo Japan uga digtay tallaabooyin milatari oo dheeraad ah

0
127

Kim Yo Jong, oo ah walaasha hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un kana mid ah mas’uuliyiinta ugu awoodda badan dalkaas, ayaa uga digtay Japan in Pyongyang ay qaadi doonto “tallaabooyin milatari oo dheeraad ah” kaddib markii Japan ay tijaabisay gantaalka nooca Tomahawk ee ay soo saarto Mareykanka.
Bayaan ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladda Kuuriyada Waqooyi ee KCNA ayaa Kim Yo Jong ku sheegtay in Japan ay ka baxayso siyaasaddeedii difaac oo ay isu beddelayso awood milatari oo awood u leh inay weerarro horudhac ah qaaddo.
Waxay ku eedeysay dowladda Japan inay sii xoojinayso awooddeeda milatari, arrintaas oo ay ku tilmaantay mid khatar ku ah amniga gobolka.
Hadalka Kuuriyada Waqooyi ayaa imanaya xilli xiisadda Bariga Aasiya ay sii kordhayso, iyadoo Japan ay dhowaan xoojisay iskaashiga dhinaca difaaca ee kala dhexeeya Mareykanka, isla markaana ay ballaarinayso awooddeeda milatari si ay uga jawaabto khataraha amni ee gobolka.