Trump oo sheegay in ay billaabanayaan wada hadallada kala dhexeeya Iiraan

0
124

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in maanta oo Isniin ah dib loo billaabaya wada xaajoodyada kala dhexeeya dowladda dalka Iiraan.
Waxaa uu xusay in aad loogu dhow yahay heshiis lala galo xukuumadda Tehraan.
Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa dhankiisa Maraykanka ugu baaqay in ay ka sii go’anaato ka dhabeynta heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay labada dowladood kala saxiixdeen bishii Lixaad .