Maamullada Maraykanka ayaa sheegay in dabab saameeyay bariga Washington gaar ahaan Spokane ay sababeen barakaca 60,000 oo qof.
Waxaa sidoo kale halkaasi ku burburay ugu yaraan 600 oo guriyo ah, ganacsiyo iyo kaabeyaal kale.
Dababka ayaa ku faafay dhul ah qiyaastii 1,000 kiilomitir oo isku wareeg ah.
Waxaa weli la baaraya sida ay dababka ku billowdeen iyadoo dhanka kale ay socdaan dadaallada samatabixinta.




