Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyooday, toddobo kalena way ku dhaawacmeen kadib markii nin hubeysan uu rasaas ka furay maqaayadda In-N-Out Burger ee magaalada Twin Falls, gobolka Idaho ee dalka Mareykanka.
Weerarka ayaa dhacay xalay, waxaana saraakiisha boolisku sheegeen in ninkii weerarka geystay uu sidoo kale ka mid yahay dadka dhintay.
Taliyaha Booliska magaalada Twin Falls, Matthew Hicks, ayaa xaqiijiyay khasaaraha ka dhashay weerarka, isagoo sheegay in baaritaanno socdaan si loo ogaado sababta ka dambeysay falkaasi iyo duruufihii ku xeernaa.
Mas’uuliyiinta ayaa weli baaraya dhacdada, mana jirto illaa hadda xog rasmi ah oo ku saabsan waxa ku kallifay ninka hubeysan inuu weerarka geysto.
Weerarkan ayaa kusoo biiraya dhacdooyinka toogashooyinka ah ee mararka qaar ka dhaca dalka Mareykanka, iyadoo hay’adaha amniga ay wadaan baaritaanno dheeraad ah.




