Dibadbaxayaal ku sugan Washington, DC, ayaa dalbanaya in la xiro Netanyahu.

0
117

Boqolaal dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay magaalada Washington, DC, iyagoo dalbanaya in dowladda Mareykanka ay fuliso amarka qabashada ee ay soo saartay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ICC ee ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo booqasho ku jooga dalka.
Muuqaallo ay xaqiijisay Al Jazeera ayaa muujinaya dibadbaxayaasha oo u dhaqaaqaya dhanka Aqalka Cad, inkastoo roob xooggan uu da’ayay iyo amaanka oo aad loo adkeeyay.
Dhanka kale, qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa u suurtagashay inay galaan hoolka hore ee Hoteelka Four Seasons ee Georgetown, halkaas oo Netanyahu uu casho ku lahaa.
Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinaya dibadbaxayaasha oo isku dayaya inay gaaraan maqaayadda uu Netanyahu wax ka cunayay, ka hor inta aysan ciidamada ammaanku si qasab ah uga saarin goobta.
Intii ay dhacdadani socotay waxaa la maqlayay hal-ku-dhigyo ay ka mid ahaayeen: “Bibi, Bibi, ma dhuuman kartid…waxaad geysanaysaa xasuuq.”
Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ICC ayaa sanadkii 2024 soo saartay amar qabasho oo ka dhan ah Netanyahu iyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga Israa’iil, Yoav Gallant, iyadoo ku saleysay eedeymo la xiriira dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada oo la sheegay inay ka dhaceen intii uu socday dagaalka Israa’iil ee Gaza.