Saddex iyo toban qof ayaa ku dhintay dhulgariir ku dhuftay koonfur-galbeed Japan, sida ay sheegtay Ra’iisul Wasaaraha Sanae Takaichi, iyadoo intaas ku dartay in hawl-wadeennada gurmadku ay ku jiraan tartan ka dhan ah waqtiga si ay samatabixin u sameeyaan.
Hawlaha samatabbixinta ayaa ka socda xarun ganacsi oo ku taalla Kumamoto, halkaas oo dad badan ay ku xanniban yihiin. Mid ka mid ah markhaatiyaasha ayaa sheegay in dabaqa labaad uu dumay.
Horaantii, mas’uul u hadlay Japan ayaa BBC u sheegay in dad badan aan weli la ogeyn halka ay ku sugan yihiin, kuwaas oo ku sugnaa xarunta ganacsiga iyo warshad uu dhuun qiiqeed ku dumay.
Dhulgariirka oo Hay’adda Sahanka Juqraafiga ee Maraykanka ku qiyaastay xooggiisu inuu ahaa 6.8 , ayaa ku dhuftay gudaha jasiiradda Kyushu saacaddii 16:27 waqtiga maxalliga ah maalintii Talaadada.
“Dhulkii adag ayaa si lama filaan ah isu beddelay wax dhaqaaqaya,” ayuu mid ka mid ah goobjoogeyaashu u sheegay BBC.
Muuqaallo naxdin leh oo laga duubay gudaha dukaan ku yaalla 3.5km bari kaga beegan xarunta ganacsiga ayaa muujinaya carruur ooyaysa iyo alaab ku daadsan dhammaan sagxadda.
“Dhulgariirkii ugu weynaa ee aan dareemo 75 sano gudahood” – qof deggan deegaanka ayaa u sheegay BBC




