Biden oo soo afjaray xayiraadii uu Trump saaray qaar ka mid ah dalalka islaamka

0
652

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Joe Biden ayaa saxiixay amar madaxweyne oo lagu soo afjaray xayiraadii dhanka safarrada ee uu hoggaamiyihii ka horreeyay Donald Trump ku soo rogay wadamo ay muslimiin u badan yihiin.
Sidoo kale waxaa uu qalinka ku duugay in Maraykanka uu mar kale dib ugu biiro heshiiskii la tacaalidda saameynta isbeddellada cimillada ee lagu saxiixday Paris.
Joe Biden ayaa sidoo kale joojiyay qorshaha uu Trump ku doonayay inaynan uga sii mid ahaan hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.
Tani ayaa timid saacado un ka dib markii Biden iyo ku xigeenkiisa Kamala Harris lagu caleemo saaray dalkaas .
Amarrada madaxweyne ee uu Biden saxiixay ayaa tiro ahaan dhan 15 wuxuuna sheegay in maadaama la dhaariyay aan loo baahneyn in waqti la sii lumiyo.
Dhanka cudurka COVID-19 waxaa uu madaxweynaha cusub ee Maraykanka saxiixay amar khasab ah oo dhigaya in dhammaan dalkaas muddo 100 cisho ah laga isticmaalo afxirka sidoo kalena la soo magacaabo iskuduwaha la tacaalidda cudurka iyo falcelinta heer qaran ah.