Xildhibaano oo Rw Roonble u gudbinaya cabashada waalidiin ay dhallinyarao ka maqan tahay

0
320

Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya ayaa waxaay sheegeen inay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble u gudbin doonaan cabashada Waalidiinta Carruurtooda ay dowladda Soomaaliya tababarka Ciidan ugu dirtay dalka Ereteriya sheegayna inaysan mudo dheer war ka hayn.
Xildhibaanadaan ayaa sheegay in cabashada Waalidinta ay dhowr jeer u gudbiyeen, Golaha Wasiirada & Taliyeyaasha Ciidamada, hadana ay qorsheeynayaan inay u gudbiyaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Maxamed Xuseen Rooble
Waxay intaas ku dareen in haatan ay qorheynayaan inay u gudbinayaan Ra’iisul Wasaare Rooble cabashada Waalidiinta iyo dhaliisha laga muujinayo Guddiga uu Ra’iisul Wasaaraha u Magacaabay cabashada Waalidiinta inay soo baaraan.
Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa taagna cabasho ay muujinayeen Waalidiinta Soomaaliyeed oo banaanbaxyo ka dhigay Magaalooyin ay muqdisho ka mid tahay waxayna sheegeen in Dhalinyaro tooda ah tababarka Ciidan loogu qaaday dalka Ereteriya, in mudo ahna aysan war saxan ka helin Sidoo kalena ay soo gaareen warar sheegayaa inay Caruurtooda laga qeyb geliyay dagaalkii ka dhacay Waqooyiga Itoobiya sida ay hadalkooda u dhigeen.