DHAGEYSO:Degmada Berbera oo maamul Cusub loo doortay

0
354

Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil Soomaliland ayaa waxaa Maanta ka dhacday doorashada Guddomiyaha Magaalada iyo kuxigeenkiisa, iyadoo ay gobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin kala duwan Soomaaliland ka Tirsan.
Golaha degaanka Degmada Berbera ayaa Guddoomiyaha Magaalada waxaay u doorteen Cabdishakuur Maxamuud Ciddin, oo xilkaasi horay u haayay, halka Guddoomiye kuxigeenkana loo doortay Nuur Cabdi Jaamac.
Doorashada Guddoomiyaha Magaalada Berbera & kuxigeenkiisa ayaa mas’uuliyinta ku tartamay ay ka kala socdeen xisbiyada Kulmiye, UCID iyo WADANI.
Sidoo kale Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in degaannada Soomaaliland ay ka bilaawdaan doorashooyinka guddoomiyeyaasha gobolada iyo degmooyinka Soomaaliland.
Waxaa Maanta si weyn loo adkeeyay Amniga guud ee Magaalada Berbera Xarunta Gobolka Saaxil, maadaama halkaas ay ka dhaceysay doorashada Guddoomiyaha iyo kuxigeenkiisa.
Inta badan wadooyinka iyo xaafadah magalada Berbera ayaa waxaa Saaka lagu arkayaay Ciidamo farabadan oo amanaka Sugaya mararka qaarna baaritaan ku sameeynaya Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.
Gudoomiyaha Degmada Berbera ayaa waxaana tartan adag u galay Maxamed Dable, oo ah Ganacsade siyaasadda ku soo biiray iyo Cabdishakuur Ciddin, oo horey Guddoomiye uga ahaa magaalada Berbera kaasoo doorashadii Saaka dhacday ku Soo baxay.
Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliland & Xisbiyada Mucaaradka iyi Muxaafidka ayaa ku sugnaaa magalada Berbera si ay goobjoog uga noqdaan doorashada Guddoomiyaha Magaaladaasi iyo kuxigeenkiisa.
Dhanka kale Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo ka mid Golaha Wakiilada Soomaaliland kana soo baxay gobolka Sanaag sidoo kalena ka tirsan Xisbiga Mucaaradka Soomaaliland ee UCID ayaa sheegay inuu doonayo GuDdoomiye Ku xigeenka koobaad ee Golaha WakiilLada Soomaaliland hadii uu xilkaas Helana uu Xitaa Baarlamaanka Soomaaliya kala hadli doono Ictiraafka Soomaaliland.