DHAGEYSO:Bajaajleey maanta banaanbax ka dhigay Muqdisho

0
408
??????????

Qaar kamid ah wadayaasha Bajaajta ee ka Shaqeeya Magaalada Muqdisho ayaa Maanta Waxay Banaanbax ka dhigeen Aaga Isgoyska Shabeelle oo ku dhow Taalada Daljirka Daahsoon, iyagoo xirtay wadadaas, una diiday inay gaadiidku Halkaas Maraan.
Banaanbaxayaasha ayaa ka cabanaya inay waayeen waddooyin ay maraan oo ay ku Shaqeystaan, kadib markii waddooyinka qaar ay Biyo xireen kuwana ay xirteen Ciidamada dowladda.
Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Canshuur ay mar walba ka qaado dowladda, balse aysan haysan waddooyin ay ku Shaqeeystaan, taasina ay tahay dhibaato haysata.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed( Filish) ayay ka dalbadeen inuu soo farageliyo Cabashadooda, isla markaana uu xal u keeno Cabashada ay Qabaan.