Dowladda Soomaaliya oo dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay golaha ammaanka

0
440

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan (Baale) ayaa u gudbiyey hey’addani dac ka dhan ah dowladda Kenya.
Baalle ayaa ka dalbadey Qaramada Midoobay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo weerarradii hawada ee ay ciidamada Kenya ka geysteen Soomaaliya.
Safiirka ayaa intaa raaciyey in waxyeelada dhacday ay isugu jiraan dhimasho iyo dhaawac dad dagan goobihii la duqeeyey.
Waxaa uu intaa ku daray Baale in maxkamadda caalamiga ee dambiyada dagaalka ay tahay inay baaritaan buuxa ku sameyso dacwadan.
Xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya oo muddo kala go’onaa ayaa maalmahan soo hagaagaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here