Booliiska oo digniin adag u diray kooxaha dambiilayaasha ah

0
168

Adeegga Booliiska Qaranka (NPS) ayaa soo saaray digniin adag oo ka dhan ah kooxaha rabshadaha siyaasadeed dalka ka wada.
Arrintan ayaa timid iyadoo 14 eedeysane, oo loo xiray rabshadihii shalay ka dhacay Kisumu iyo Nyahururu, la horkeenay maxkamadda si ay u wajahaan dacwadaha loo haysto.
Bayaan ay Adeegga Booliiska Qaranka (NPS) soo saareen Isniinta maanta ah ayay ku xaqiijiyeen in 14-ka eedeysane ay wajahayaan dacwado kala duwan oo la xiriira falal rabshado wata oo carqaladeeyay nabadda iyo kala dambeynta dadweynaha ee magaalooyinka Kisumu iyo Nyahururu.
“Booliiska Qaranka uma dulqaadan doono rabshado, fowdo ama fal kasta oo lagu qalqal gelinayo nabadda dadweynaha ayaa lagu xusay bayaanka.
Adeegga Booliiska Qaranka ayaa sidoo kale mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sugidda amniga shacabka, iyagoo sheegay in saraakiisha booliiska ee dalka oo dhan ay si hagar la’aan ah uga shaqeynayaan ilaalinta nolosha dadka, hantidooda, iyo ganacsiyadooda.