DHAGEYSO:Wasiir ku xigeenka difaaca Soomaaliya oo booqday farriisimaha ciidanka

0
419

Wasiir ku Xigeenka Wasaradda Gaashaandhiga ee xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya C/Fataax Qaasim ayaa faahfaahin ka Bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ay ka Fuliyeen gobolada kala duwan iyo guulaha ay ka soo hooyeen.
Wasiir C/fataax Qaasim ayaa Sidoo kale sheegay in Ciidanaka Xoogga dalka Soomaaliya oo Moralkoodu aad u Sarreeyo iyo dadka Shacabka ah ee Al-shabaab Nacay ay keentay Guulaha isdaba Jooga ah ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya ka soo hooyaan dagaalada ay Shabaabka la Galaan.

Wasiir ku xigeenka islamarkaana ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka Soomaaliya ayaa Booqasho ugu tagay Ciidamada Xoogga Qaybta 27 aad ee ku sugan Deegaanada Hirshabeelle.
Wasiirka ayaa Booqday Isbitaalka Guutada 5-aad qeybta 27-aad Xoogga Dalka Soomaaliya ee Degmada Beledweyn Gobalka Hiiraan.
Waxaa uuna ku baaqay in ilgaar ah lagu eego baahiyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.