Shil gaari oo ka dhacay Guinea oo dilay 15 qof oo ay ku jiraan 10 carruur ah

0
118

Ugu yaraan 15 qof oo ay ku jiraan 10 carruur ah ayaa ku dhintay shil gaari oo habeenkii Axadda ilaa Isniinta ka dhacay magaalada Mamou ee bartamaha dalka Guinea. Sida ay sheegeen saraakiisha gurmadka degdegga ah iyo ilaha caafimaadka, shilka ayaa dhacay abbaare 1:00 habeenimo xilli gaari ay saarnaayeen 16 qof oo ay ku jireen arday fasax ku jiray uu ku dhacay gaari xamuul ah oo weyn, iyadoo shilka uu ka dhacay waddo qallooc badan leh.
Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa xaqiijiyay in isbitaalka gobolka Mamou la geeyay meydadka 15 qof. Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa shan wiil, shan gabdhood iyo shan qof oo waaweyn oo isugu jiray saddex rag ah iyo laba haween ah, kuwaas oo dhammaantood ka soo jeeday deegaanka Labe. Hal qof oo keliya ayaa ka badbaaday shilka, waxaana loola cararay isbitaal isagoo qaba dhaawacyo halis ah.
Mas’uuliyiinta ayaa bilaabeen baaritaan lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee keentay shilka. Shilalka gaadiidka ee halista ah ayaa si joogto ah uga dhaca Guinea, waxaana inta badan sababa burburka waddooyinka, gaadiid duqoobay, darawalnimo taxaddar la’aan ah iyo roobabka culus oo sii adkeeya xaaladda waddooyinka.