Joe Biden ayaa si rasmi ah u noqday madaxweynaha 46-aad ee dalka Mareykanka, ayada oo Kamala Harris ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ku-xigeen ka noqota dalkaasi.
Biden ayaa waxaa saacad ka hor ee 12-kii duhurnimo wakhtiga dalkaasi lagu dhaariyey aqalka Capitol Hill ee Congress-ka Mareykanka, ayada oo uu dhaarta ka qaatay garsooraha sare ee Maxkamadda Sare ee Mareykanka.
Dhanka kale Kamala Harris, oo ah haweeneydii ugu horreysay, iyo qofkii ugu horreeyey ee madow ah, iyo qofkii ugu horreeyey ee asal ahaan kasoo jeeda Koonfurta Asia ee noqday madaxweyne ku-xigeen, ayaa waxa dhaariyey garsoore Sonia Sotomayor oo ka tirsan maxkamadda sare ee dalka Mareykanka.
Khudbad uu jeediyey kadib dhaarintiisa, ayaa Joe Biden waxa uu ku yiri “Dimoqraadiyadda ayaa guuleysatay.” waxa uu maalinkan ugu yeeray “maalin taariikh iyo rajo.”
Madaxweynaha Mareykanka ayaa intaas ku daray in dalka uu “mar kale bartay in dimuqraadiyadda ay tahay wax qaali ah”.
“Riyada cadaaladda hadda iyo kaddib dib looma sii dhigi doono,” ayuu yiri madaxweyne Biden
Madaxweyne Biden ayaa ugu baaqay dadka Mareykanka inay ka guuleystaan kala qeybsanaantooda, isaga oo shaaca ka qaaday “midnimo la’aan, nabad ma jirto.”
Waxa uu ballanqaaday inuu daacad u noqon doono dalka, isaga oo yiri “hoggaamiyeyaasha waxaa waajib ku ah inay difaacaan runta oo ay ka guuleystaan beenta.”
“Waa inaan soo geba-gebeynaa dagaalkan xun ee na isaga keen horkeenaya gaduud iyo buluug,” isaga oo ula jeeda Jamhuuri iyo Dimoqraadi.
Joe Biden ayaa sidoo kale sheegay inuu beddeli doona waxii u trump ka tagay.
Maraykanka waxa u ku soo laaban doona heshiiskii cimilada ee paris.
Waxaa uu hakinaya darbiga xadka Mexico.