DHAGEYSO:Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in dowladdu ay xoogga saartay xoojinta amniga iyo dimuqraadiyadda

0
954

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day) ayaa ku bogaadiyey Midowga Yurub iyo dowladaha xubnaha ka ah doorkooda ku aaddan taageerada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Midowga Yurub uu Soomaaliya garab taagnaa xilliyadii ugu adkaa, gaar ahaan taageerada dhinacyada bani’aadannimada, dib-u-dhiska dowladnimada, horumarinta hay’adaha dowladda, amniga iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha oo ay door weyn ka qaateen horumarkiisa.
Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay sameyneyso horumar la taaban karo, iyada oo dowladdu ay xoogga saartay dib-u-dhiska hay’adaha, xoojinta amniga, horumarinta dhaqaalaha, ballaarinta adeegyada bulshada iyo dardargelinta hannaan dimuqraadiyadeed loo dhan yahay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay qorshaynayso in dalka laga hirgaliyo doorashooyin qof iyo cod ah si shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda, isaga oo tilmaamay in madaxda dowladda ay ka go’an tahay wadatashi iyo is-afgarad lagu xoojinayo amniga iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.
Ugu dambayn Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay k qeyb qaataan wadatashiyada qaran ee dowladdu u fidisay, iyada oo la ilaalinayo danta Qaranka iyo wadajirka Shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdifataax Qaassim Maxamuud oo ka qeyb galay Xafladda Dabaaldagga Midowga Yurub oo ay sidoo kale ka qayb galeen wasiirro iyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Francesco Di Mauro , safiirrada iyo Xubnaha dalalka xubinta ka ah Midowga Yurub oo lagu qabtay Hotelka RA ee Xeyndaabka garoonka Aadan Cadde ayaa faahfaahiyay muhiimadda Shirka iyo Waxyaabaha looga hadlay.

Dhanka kale , Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulan laba geesood ah oo u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub ee Soomaaliya taageera.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, dhammaystirka dastuurka dalka, doorashooyinka tooska ah ee ka socda dalka, iyo horumarka dhinaca dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta dowladnimada.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, horumarinta dhaqaalaha, iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda.