Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta jeediyay hadal ku saabsanaa xaaladda guud ee dalka, sida doorashooyinka Qof iyo Cod ee sida nabadda ah saaka looga dareeray deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xaalada magaalada Muqdisho iyo Gogosha wadatashiga ah ee dowladdu u fidisay siyaasiyiinta.
Waxaa uu sheegay in dimuqraadiyaddu ay tahay in la doorto qofka ay shacabka daneynayaan ee fikirkiisa iyo ajeendihiisa saxda ah ay ku qancaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaya doorashada ayaa si gaar ah u bogaadiyey uguna hambalyeeyay shacabka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo maanta codkooda dhiibanaya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhallinyarada soomaaliyeed u sheegay in aayahooda uu ku jiro doorashada qof iyo codka ah sidaasi awgeedna aan dano gaar ah loo adeegsan.
Sidoo kale , waxaa uu ka hadlay bannaanbixii maanta lagu baaqay oo uu sheegay in laga dheehan karo niyad sami la’aan isagoo codsi u diray siyaasiyiinta.
Waxaa uu caddeeyay in dowladda federaalka Soomaaliya aynan marnaba diiddanayn in shacabka iyo siyaasiyiinta ay dareenkooda ku muujiyaan dibadbax oo amnigoodana la sugaya.
Ugu dambeyn , madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faahfaahiyey waxyaabaha mamnuuca ka ah bannaanbaxyada la qabanaya wuxuuna tilmaamay in dowladda aan lagu eedeyn karin carqaladeyn iyo amni darro.




