DHAGEYSO:Puntland oo faahfaahisay qorshaha socodsiinta shilin Soomaaliga

0
651

Ka dib markii toddobaadyadii la soo dhaafay deegaanada Maamulka Puntland ay ka jireen xaalado Sicir Barar ah oo saamayn ku yeeshay shacabka Qaybihiisa kala duwan sidoo kalena laga diiday Magaalooyinka Puntland in la isticmaalo lacagta shilin Soomaaliga ayaa Maamulku wuxuu soo saaray go’aamo hadda hirgalintooda lagu howlan yahay.
Go’aamadaasi waxaa ka mid ahaa in lacagta tirada badan ee Magaalada dhex-wareegaysa bangiga dhexe ee Puntland lagu xareeyo si sarifku u caga dhigto.
Xoghayaha Gudiga Puntland u Xil saartay Xallinta Sicir bararka iyo Sare u Kaca Sarifka Axmad shire ayaa oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay Talaabooyinka ay ilaa hadda qaadeen iyo qorsheyaasha ay dajiyeen.